Xafiiska Caawinta Qm Ee Soomaaliya Oo Ka Digaya Qatarta Abaaraha Kajira Dalka Soomaaliya

0

Hayadaha Qaramada Midoobay ayaa wali ka digaya abaaraha ka jira dalka Soomaaliya inay sababaan dhimashada dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo wali la ildaran abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

Seddex sano ka hor abaaro ku dhiftay gobolada dalka Soomaaliya ayaa sababay dhimashada 260,000 oo ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo saameyn ay ku yeelatay abaarta.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay digniinaha kala duwan ee abaaraha la xiriira, kadib markii sanadkaan la waayay roobabkii xiliga guga, dad badan ay ka carareen guryahooda iyo waddooyin ay Alshabaab ka xereen magaalooyinka qaar.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in laga baqayo inay soo laabtaan abaarihii sanadkii 2011 ku dhiftay dalka Soomaaliya.
Inka badan hal milyan oo dad ah ayuu sheegay in iminka ay wajahayaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah, lagana baqayo in xaalada intaasi ay kasii dari karto.
Labo milyan oo kale ayaa iminka u baahan gargaar bini’aadanimo , waxana wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu sheegay in dhaqaalaha gargaarka loo baahan yahay uu sii yaraan karo.