Xog: Beesha Caalamka Oo Xanibaad Saartay Gabi Ahaan Dhaqaalihi Loogu Talagalay Shirka Kismaayo Iyo Horumarinta Jubbooyinka.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyada ku dhow dhow xafiiska UN-ka iyo safaaradaha dowladdaha Caalamka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahana dhaqaalihi loogu talagalay shirka Jubbooyinka Xanibaad la saaray dhaqaalihi loogu talagalay shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo kii horumarinta gobolada Jubbooyinka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xafiiska UN-ka iyo kuwa safaaradaha dowladdaha caalamka ee magaalada Muqdisho soo gaareen qoraalo dacwad ah oo ku saabsan in la amrin hababaiyay geedi socoka Nabadda iyo Horumarinta gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale shirka maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka furay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay beesha Caalamka u arkaan mid ay ku shireen hal garab oo kamid ah garabyada isku hayay gobolada Jubbooyinka iyada oo si u kuur-galid ah qaabka uu shirkan u socdo ay uga qeeyb gashay Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour.

Isku soo wada duuboo waxaa ka socda magaalada shirar balaaran oo looga soo horjeedo isku dayga afgambiga geedi socodka Nabadda gobolada Jubbooyinka ee ay sameenayaan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com