XOG CULUS: Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr iyo maamulkiisa oo qorsheynaya guluf dagaal oo hor leh.

0

Dad ku sugan deegaanka Saaxdheer ee gobalka Sool ayaa ka soo xiganay in maamulka Khaatuma ee uu hor-boodayo DR. Cali Khaliif Galeyr ay qorsheynayaan dagaal ka dhan ah ciidanka Somaliland ee ku sugan qeybo kamid ah SSC.

DR. Galeyr ayaa ciidamo ku diraaysanaya deegaanka Saaxdheer oo qeyb kamid ah ay heysato Somaliland sida wararku ay sheegayaan, kuwaasoo la doonayo inay xorreeyaan deegaanka SSC ee ciidanka maamulka Somaliland ay ku soo duuleen.

Xog hoose ayaa sheegaysa in maamulka Khaatuma dhismihiisa aysan dan u arag Somaliland oo muddo ka badan 20 sano raadinaysa aqoonsi ah ka hesho caalamka.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in beelaha dega Sool iyo Sanaag qaarkood uu DR. Galeyr ka dalbaday inay ku taageeraan ciidamo iyo hub si uu isaga difaaco Somaliland.

Dagaalkii ka dhacay Saaxdheer oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa dadkii ku dhaawacmay waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn.