XOG cusub oo aynu ka helnay duqeyntii Mareykanka ee Sh/hoose, saraakiil dhimatay, dhaawac iyo …. (MAGACYADA AKHRI)

0

Shabakada AllGG oo baaritaan dheer sameysay ayaa ogaatay xog dheeraad ah islamarkaana ku saabsan duqeyntii diyaarahada Mareekanka ay ka geesteen deegaano ka mid ah gobalka Sh/hoose.

Diyaaradaha duqeyntaan geestay waxay ahaayeen kuwa aan duuliyaha lahayn, waxaana wararka ay sheegayaan in diyaaradahaan laga hagaayay saldhiga weyn ee dalka Jabuuti.

Ilaa 10-madfac ayaa lagu dhuftay goob ay ku shiraayeen saraakiil badan oo Al-shabaab ka mid ah, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Marka hore waxaa la xaqiijiyay in goobtaasi ay joogeen saraakiil ay ka mid yihiin Axmed Godane, Cali Dheere, Fu’aad Shongole, Afhayeenkooda ciidamada Abuu Muscab, Cali Jabal oo dhanka Sh/hoose u qaabilsan, Kabakutukade, Sheekh Xamsa, Xasan Yacquub iyo Rag kale.

Sidoo kale waxaa meeshaasi joogay ciidamo aad u basan misane Al-shabaab ka mid ahaa dhimashada ugu badanna ciidankaasi ayeey soo gaarta sida wararka aynu ku helayno.

Gantaalkii Koowaad ayaa Albaabka uga dhacay halkii lagu shiraayay, waxaana halkaasi ka bilawday qasaarihii ugu horeeyay, wararka qaar waxay sheegayaan in meesha saraakiil ay ku dhimatay laakiinse ilaa hadda AllGG xaqiiqda iyo magacyada dadkii dhintay ma aysan helin.

Dhanka kale waxay bilaabeen duqeynta oo socota in wixii carari kara ay cararaan, waxayna taasi de dejisay in wixii ordayb gantaalo laga daba rido, iyadoona meesha rag badan oo Al-shabaab ah ku dhamaadeen.

Dowladda Mareekanka ayaa sheegtay in saacadaha soo aadan ay si cad u sheegi doonaan ragga ay ku dileen duqeyntaasi, dadkii baxsaday, iyo sidoo kale magacyada ragii halkaasi joogay.

Gobalka Sh/hoose waxaa kabilawday howlgalo culus oo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana howlgalkaasi uu yahay mid Al-shabaab lagula dagaalamaayo.

Dowladda Mareekanka ayaa sheegtay in dhanka walba ay ka saacidi doonto dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay bartilmaameedsan doonaan saldhigyada iyo hogaamiyaasha sare ee kooxda Al-shabaab.

La soco wixii soo kordha.