XOG:- Dowlada oo gorgortan la galaysa Milkiilaha Shabeele

0

Xilli muddo ka badan bil ay Idaacadaha Shabelle iyo SKY u xiran yihiin Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Madaxda Dowladdu, ay doonayaan inay shaqeyso oo kaliya mid ka mid ah Idaacadahaasi.

Madaxda Dowladda, ayaa waxay Odayaasha iyo Xildhibaanada ku heybta ah Milkiilaha Idaacadaha Shabelle iyo SKY C/maalik Maxamuud Yuusuf u bandhigeen, in laga dhaadhiciyo in uu ka tanaasulo mid ka mid ah Idaacadahaasi, oo mid qura uun uu ku hawlgalo.

Masuuliyiintu waxay balanqaadayaan in dib xoriyadooda loo siin doono C/maalik Maxamuud Yuusuf iyo saddex ka mid ah Shaqaalaha Idaacadihiisa, haddii uu aqbalaayo in Idaacad kaliya uu ku shaqeysto, midda kalana uu ka tanaasulaayo.

Fikirkaan, ayaa waxaa iska lahaa Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka ee Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, iyadoona uu kala kaashaday Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran Axmed Cali Daahir.

Durbaba waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in C/maalik aanu aqbali doonin dalabka Dowladda, isla-markaana uu u arko mid lagu caburinaayo Warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha Magaalada Muqdisho.

Waxay tani ku soo aadeysaa, xilli qalabkii Idaacadaha Shabelle & ay gacanta ugu jirto Dowladda Federalka ee Somaliya, shakina laga muujinaayo in la lunsaday qaybo ka mid ah qalabkaasi.