Xog: Hoggaanka sare ee Alshabaab oo maalinkii Afaraad uu shir u socdo

0

Kadib geeridii Axmed Cabdi Godane waxa ay Allgalgaduud isha ku heysaa isbedelada iyo tilaabooyinka Hoggaanka Cusub ee Maleeshiyada Al-shabaab qaadayaan, iyadoona ay soo ifbaxeyso mugdiyo hoos socda Hoggaanka Cusub.c

Hoggaamiyaha Cusub ayaa waxaa hoos qulqulaaya Amaro kale oo ay bixinayaan Ku-xigeenadiisa iyo Taliyayaasha Ammaanka kuwaasi oo aan ku qanacsaneyn Hoggaamiyaha Cusub ee Alshabaab oo la sheegay inuu yahay shaqsi aad u qabow markii la barbar dhigo Godane.

Magacaabista Hoggaamiye Axmed Diiriye ayaa waxaa asal u ahaa Laba qodob oo midda koowaad ay tahay, ayadoo uu ahaa ku-xigeenkii Hoggaamiyihii meylka adkaa Axmed Godane, sidoo kalena uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka qaatay dilkii iyo xarigii loo geystay qaar kamid ah Horjoogayaasha kooxda al-shabaab ee kasoo horjeeday qaabka uu xiligaasi Axmed Godane u waday nidaamka gacan ku sameyska ahaa.

Hadaba Hoggaamiyaha Cusub oo shaki ka muujiyay dabinada loo maleegaayo, ayaa waxaa la sheegayaa inuu isugu yeeray Ku-xigeenkiisa iyo Taliyaha Guud ee Maleeshiyada ugu magacaaban Ciidanka kuwaasi oo uu Magaalada Baraawe shir uga socdo maalintii Afaraad, iyadoona Ujeedka shirka lagu sheegay dajinta xiisado la sheegay inay ka dhex dhashaan gudaha Kooxda.

Shirka xoogiisa ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu u dhexeeyo:-

1-Axmed Diiriye oo kooxda xiligaani ugu magacaaban Hoggaamiyaha

2-Mahad Karatey oo loo yaqaan (Oda-waa) oo ugu magacaaban ku-xigeenka Axmed Diiriye.

3-Bashiir Qoorgaab oo dhanka ciidanka kooxda ugu magacaaban.

Warar hoose ayaa Tibaaxayo in Shirkaasi looga arinsanaayo sidii kooxda ay usoo ceshan lahaayeen raggii uu Axmed Godane kala firdhiyay ee howdka ku kala yaacsan iyo sidii loogu qancin lahaa inay maamulka dhisan dhankooda kasoo raacaan.

Dhanka kale, Shirka ayaa galay maalinkii sedexaad ee ay kooxda Al-shabaab ku dooneyso xalinta Khilaafaadka maamulka Cusub ka dhex curtay iyo kan uu Kooxda kala dhex dhigay Hoggaamiyihii geeriyooday Axmed Godane.