Xog: Maxuu Salka Ku Hayaa Safarka Xasan Sheekh Ee Magaalada Kismaayo?

0

Kismaayo, AGGM: Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan xarunta Villa Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in dedejinta shirka dib u heshiisnta beelaha Jubbooyinka iyo safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Kismaayo uu salka ku hayo ka hortaga in aan nabad ka dhicin gobolada Jubbooyinka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo sidii u kala fogeyn lahaa beelaha daga gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale Ilo Wareedkeenan ayaa waxa uu inoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiwali ka Mideysan yihiin Fikirka ah sidii loo kala fogeeyn lahaa beelaha daga Jubbooyinka si aysan u helin Nabad iyo Maamul lagu mideeysan yahay oo awood leh.

Isku soo wada duuboo Shirka maanta uu ka furay magaalada Kismaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo idlaanayaa fashil iyo fadeexad uga timaada dhamaan beelaha daga Jubbooyinka iyo beesha Caalamka, Islamarkaana waxaa mugdi hareereenayaa dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com