Xog: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Oo Dhawaan Xilka Laga Xayuubinayo. Yaase Lagu Badalayaa?

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan xarunta Villa Soomaaliya kuna dhow dhow xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan xilka laga xayuubinayo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa dhawaan in Baarlamaanka Federaalka ah la horgeenayo mooshin kalsoonida lagala laabanayo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Xukuumadiisa.

Ilo wareedkeenan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo waqtiiga uu xilka hayay badankii ku dhumiyay siduu u hagardaameyn lahaa beeshiisa dhexdeeda iyo dhaqaale raadsasho, balse intuu arrintaa ku mashquulsanaa urur Diimeedka Madaxweyne Xasan sheekh ee Damujadiid-na waxa ay ku mashquulsanaayeen siduu xafiiska u baneen lahaa.

Mar aan weydiinay ilo wareedkeenay seebeey macquul ku noqonaysaa? Yaase lagu badalayaa R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ? waxa uu inoogu jawaabay Sidan “Wuu baneenayaa xafiiska R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, waxaana lagu badalayaa Wasiirkiisa Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo ka tirsan ururka Damujadiid cidii aaminaysa iyo ciddii beeninaysa warkan Waqtigaa u macalin noqonaya”.

Dhinaca kale kala fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxa uu furmayaa maalinimada SABTIDA ee beri ah, waxaana lagu wadaa ghoowlaha ugu waaweeyn ee uu qabto inay noqon doonto sidii ay xilka uga xayuubin lahaayeen R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isku soo wada duuboo warkan uu sheegay ilo wareedkeenan ayaa haduu dhab noqdo waxaa la filayaa in durbaba dadka badankii ay soo dhaweenayaan, balse waa arrin qatarteeda leh oo haddii awooda hogaanka dalka uu gacanta u wada galo Madaxweyne Urur diimeedka Damujadiid ah R/wasaare Damujadiid ah waxaa xigaysa inay keensadaan Gudoomiye Baarlamaan oo Damujadiid ah ayna meesha ka dhacdo Rabbi Ha U Naxariisto SOOMAALIYA…..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com