XOG:- Safarka R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Ee Norway Iyo Mashruuca (Badda Soomaaliya)….

0

OSLO, Bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu mashquuliyay muranka qabyaalada iyo deegaanada shiararka Kismaayo iyo Baydhabo iwm…

Soomaaliyey Indhaha fura oo isha ku haya safarka R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu maanta ku tagayo magaalada Oslo ee dalka Norway.

Arrinka booqashada R/wasaare cabdiwali Sheekh Axmed ka weyn Jaaliyad Soomaaliyeed iyo Booqashadooda, balse xaqiiqda taala ee dhabta ah magaalada Oslo waxa ay tahay in R/wasaare cabdiwali Sheekh Axmed kullan la qaadano Madaxda dowladda Norway islamarkaana uu saxiixayo heshiisyo la xiriir Mashruuci BADDA Soomaaliya lagu iibsanayay.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa marka uu kullankan ku saxiixo heshiiska dhameystirka Mashruuca Iibsiga Badda Soomaaliya waxaa la sheegayaa in adduun lacageed faraha loo galinayo sidii saaxiibadiis Prof. Gaandi iyo Dr. Cumar Cabdirashiid..

Waxaa hubbaal ah in R/wasaare Cabdiwali heshiiskan uu saxiixi doono ay uga horeeyeen lugna ku leeyihiin waxna ka saxiixeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ugu Dambeynti waa in qof walba oo Soomaali ah uu ogaadaa in Mas’uuliyad ka saaran tahay dalka oo Madaxda dowladda aysan ku tagri fali karin Dhulka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaa awgeed qof walbaa waa inuu sikiis isu xilqaamaa oo baaraa amaba isha ku hayaa heshiisyada sida dhuumaaleysiga ah ay ku saxiixayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ugu horeeyo midka Norway ay la galeen amaba la galayaan hadda…

Maxamed Saciid Dhuubow
Oslo, Norway

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com