XOG: Saraakiisha sar-sare ee Alshabaab oo isaga baxay degmada Baardheere ee gobalka Gedo

0

Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Baardheere ee gobalka Gedo, waxaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen saraakiishii sar-sare ee Alshabaab oo halkaasi ku sugneyd.

Waxaa degmada Baardheere oo ahayd degmadii kaliya oo Alshabaab ay joogaan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobalka Gedo qorsheynayaan inay weerar duulaan ku qaadaan sida saraakiisha gobalka ay sheegayaan.

Baardheere waa mar ku sugnaa Sheekh Fu’aad Shangole iyo saraakiil kale oo ALshabaab ah.

Saraakiisha ugu sarreysa ALshabaab ayaa faarujiyay Baardheere iyagoo weerarkaasi diidaya inuu saameyn ku yeesho iyo ciidamo fara badan oo ay wataan, lamana xaqiijin karo halka ay qabteen.

Shacabka magaalada Baardheere oo ah ku la daalaa-dhacaya abaaraha ka jira gobalka ayaa laga baqdin qabaa in colaaddani ay saameyso.

Alshabaab ayaa shacabka ku nool halkaasi u muujinaya inaysan ka bixin Baardheere oo ay weli joogaan ama maamulayaan.