Xog: Shirkii Magaalada Kismaayo Oo Fashilmay Iyo Ergooyinki Shirka Oo Agabki Ay Ku Jiifanayeen La Boobay.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu gabi ahaan fashilmay shirkii lagu sheegay inuu ahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha daga gobolada Jubbooyinka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe uu isugu yeeray shalay galinki dambe ergooyinka kuna wargaliyay inuu shirkii gabi ahaan fashilmay, kadib markii uu ka biyo diiday hogaamiyaha Golaha Nabada iyo Horumarinta Jubbooyinka Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) sidaa awgeedna aysan heysan wax dhaqaale ah oo uu kusii socdo shirka.

Sidoo kale Horjooge Axmed Madoobe ayaa ergooyinka u sheegay in Beesha Caalamka iyo Hay’adaha UN-ka ay gabi ahaan xanibeen dhaqaalihi loogu talagalay shirka kadib markay xaqiijiyeen in madasha shirkaasi ay isugu yimaadeen hal garab oo kamid ah garabyadi isku hayay arrimaha Jubbooyinka, sidaa awgeedna ay ergooyinka inta dagan Hoteelada ay iyagu iska bixiyaan, kuwa dagan meelaha kale ee loo diyaariyayna ay sii daganaan karaan.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya hoolka ay jiifanayeen ergooyinka qaar kamid ah ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni markii ay maqleen in shirka fashilmay ay boobeen agabki ergooyinka shirka loo qeeybiyay inay ku seexdaan sida joodariyaashi iyo go’ayaashi.

Isku soo wada duuboo horay ayay u sheegeen dadka indha indheeya siyaasada in shirka uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ka furay magaalada Kismaayo uu ku dhamaanayo fashil iyo kala yaac…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com