XOG+CADEEYN: Yaa Hortaagan In Shirka MIDNIMO 1 Ee Garbahaarey Uu Furmo?

0

Muqdisho, AGGM:Ilo wareedyadeena ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Grabahaarey ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in uu shirka MIDNIMO 1 ee lagu waday maanta inuu ka furmo magaalada Garbahaarey uu si cad uga soo horjeedo R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Ah ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Cabdiwali marba qorsho cusub uu la imaanayo si uu u kala fur furo ergooyinka ku kala sugan magaalooyinka Garbahaarey iyo Muqdisho.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Xildhibaanada beesha Sade ee ku sugan magaalada Muqdisho ee laga sugayay inay gaaraan magaalada Garbahaarey si ay uga qeeybgalaan Shirka MIDNIMO 1 uu marba balan been ah oo aan waxba kasoo naaso cadeen u qabanayo si uu waqtiga uga rido si aysan uga qeybgalin shirka.

Siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho oo ka soo jeeda beesha Sade oo si hoose ugu waramayay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay “Walaale R/wasaaraha iyo Waxa ka shaqeeya Xafiiskiisaba waa niman aan lahayn wax Qoowl ah ama Go’aan ah waxayna u haystaan inaynaan fahmi karin qorshahooda guracan, balse si wanaagsan ayaan u fahansan nahay waxa ay wadaan iyo halka ay ku socdaan waase u seeto dheereynaynaa si aan beri si cad meel ugaga soo harno”. waa sida uu u dhigay hadalka siyaasigan.

Siyaasigan ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay “Waan la soconaa in R/wasaaraha inta uu anaga hadda halkan waqtiga nooga dilayo in uu rag u dirsaday magaalada Garbahaarey haddana ay ku hoowlan yihiin sidii ay shirka u fashilin lahaayeen, waxaa hubaa 100% Raggan hadda ku sugan Garbahaarey haddii ay afkood kasoo baxaan qorshaha ay u tageen magaalada intaan la gaarin Siyaasiyiinta ku sugan magaalada in Odayaasha dhaqanka iyo Shacabka ay dhagax la dhacayaan oo aysan wax guul ah kasoo hoyinayn balse ay ka raacayso ceeb iyo wajigabax abidkood meel walba oo ay tagaan daba soconaysa”.

Dhinaca kale waxaa weli socda kulamo mar walba fashil kusoo dhamaanaya oo dhexmaraya Siyaasiyiin, Ganacsato, Xildhibaano iyo Waxgarad kale oo kasoo jeeda Beesha Sade iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isku soo wada duuboo ma ay aha markii ugu horeysay ee uu R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed dagaal qaawan oo uusan waxba u reeban uu ku qaado Beesha Sade, Balse waxaad moodaa Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Xildhibaanada iyo Waxgarad kale ee kasoo jeeda Beesha Sade iyaga qudhooda ay qayb ka yihiin jahwareerinta beesha maadaama aysan wax go’aan ah oo cad ka qaadanayn ama kasoo saarayn falalka guracan ee uu geesanayaan R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Xukuumadiisa ku fashilantay howlihi loo idamday.

Halkaan Hoose Ka Akhriso, R/wasaare Cabdiwali Sheekh Qoraal Uu Ku Qoray Bogiisa Barta Facebook…

faceebook
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com