Xog:Dowladda Mareykanka Oo Kasoo Horjeesatay Shirka Maanta Uu Xasan Sheekh Uga Furay Magaalada Kismaayo Garab Kamid Ah Garabyadi Isku Hayay Gobolada Jubbooyinka iyo Wafdi…

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Dowladda Mareykanka ay si cad uga soo horjeestay shirka maanta uu halka garab Madaxweyne Xasan Sheekh uga furay magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in safaarada Dowladda Mareykanka ay u aragto shirkan inay isugu yimaadeen hal garab oo kamid ah garabyada isku hayay gobolada Jubbooyinka..

Ilo wareedkeenan ayaa waxa uu sidoo kale inoo sheegay in labada maalmood ee soo socda uu Gudoomiyaha Golaha Nabada iyo Horumarinta Gobolada Jubba Col Bare Aden Shire “Bare Hiiraale” uu kulan albaabada u xiran la yeelanayo Wafdi ka socda safaarada dowladda Mareykanka.

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraya diidmada dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo dadka daga gobolada Jubbooyinka ee shirka maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga furay hal garab oo kamid ah garabyada isku hayay gobolada Jubbooyinka.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com