Xukuumada oo kahadashay Muhiimada Tira koobka socda

0

Muqdisho, AGGM: Xukuumadda Soomaaliya ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisay muhiimada iyo faa’idada ummada Soomaaliyeed u leeyahay tiro-koob lagu sameeyo meel kastaa oo ah kasta oo gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta ahna ra’iisul wasaare ku xigeen Ridwaan Xersi Maxamed oo shalay ka hadlay goob lagu soo bandhigay hordhac tirokoob laga sameeyay gobolada dalka ayaa sheegay in faa’ido weyn ay ku jirta arintaasi.

Wasiirka wuxuu sheegay haddii la ogaan lahaa tirada Soomaalida ku dhaqan miyiga iyo magaalada ay sahlanaan laheyn in la ogaadaa dadka u baahan waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah.

Wuxuuna sheegay inay arintaasi ay sahli laheyn in hayada ku shaqada leh waxyaabaha dadka ay u baaha yihiin si dhaqso ah u gaareen deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in bisha soo socota ee October ay soo idleeyaan tiro-koobka laga sameynayo gobolada dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com