Yaab: Gabar Soomaaliyeed Oo Ku Biirtay Kooxda Argagixisada Ah Ee Daacish.

0

London, AGGM: Gabar Ardayad oo 15-jir ah Asalkeedana Soomaali uu yahay oo Qaxooti ahaan ugu nooleel xaafada Biristol ee dalka Ingiriis,ayaa ku biirtay kooxda’ Islamic State’ee ka dagaalama qeybo kamid ah wadamada Bariga dhexe,sida police-ka xaafadaasi wargeys-ka Telegraph ay ushegen.

Gabadha ayaana magaceeda ayaa waxaa lagu sheegay Yusra Xuseen.

Dhanka kale ku xigeenka madax Police-ka xaafada Biristol,oo lagu magacaabo Louis Rolfe,ayaa sheegay in gabadhaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay udoonayaan in ay gacanta ugusoo dhigaan,isagoona rajo wanagsan ka mujiyay.

Ciidanka ammaanka sidoo kale waxaa ay sheegeen in gabadhasi ardayada ah ee dalka Somaliya udhalatay,ay safarkeeda ku wehelisay gabar kale oo 17-jir ah oo magaalada London ku bar baartay.

In ka badan 500 British-ah ayaa loo maleynayaa in ay u safreen bariga dhexe si ay ugu biiraan kooxda Daacish,si ay ugu qeybqaataan dagaalka kooxdaasi ay wado,waxaana la sheegay in dadkaasi ay iskugu jiraan bulshooyinka jaaliyada ku ah ingiriiska oo somalida ay kamid tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com