10-Burcad badeed Soomaali ah oo la xukumay

0

Toddoba qof oo Soomaali ah oo ku eedaysan burcad-badeednimo ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla dalka Faransiiska.

Toddobada qof oo da’doodu ay u dhexayso 25 ilaa 32 sano jir ayaa ku eedaysan in sannadku markuu ahaa 2011-kii ay doonni kuwa dalxiiska ah ka af-duubteen xeebaha Soomaaliya.

Soo ooge-yaasha dacwada loo haysto dadkaas la maxkamadeeyay ayaa sheegay in doonnida lagu af-duubtay, lammaane u dhashay dalka Faransiiska, dabadeedna la dilay midkood.

Hawl-galka lasheegay in lagu qabtay eedaysaneyaasha ayaa waxaa lagu dilay laba kale oo Soomaali ahaa.

Dhallinyarada ayaa lagu wadaa in maxkamadda ay mar kale hor yimaadaan, kaddib marka ay garsooreyaashu gaaraan go’aanka dacwadda loo haysto.

Sannadihii u dambeeyay ayaa waxaa sii gabaabsinayey, awoodda burcad-badeed muddo dheer ka qawlaysanaysay biyaha badda ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.