Akhriso: Qormadeeni Aan Daabacnay 12-ki Oktoobar Oo Run Ahayd Iyo Dhabano Iska Dhunkashadi Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha Oo Been Ahayd.

0

Muqdisho, AGGM: Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa horay u daabacday taariikhdu markay ahayd 12-kii bisha Oktoobar qoraal ka hadlayay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed cinwaankiisuna ahaa (XOG: Halkuu Ku Dambeeyay Khilaafki U Dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh?).

Halkaan Guji Kana Akhriso Qormadeeni 12-ki Oktoobar.

Waxaa hubaal ah in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay isku dayeen inay madadaaliyaan indhaha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo marxalada dalka ay marayso halii abid ugu qatar badnaa dhan walba kadib markii ay isku dayeen inay dafiraan inaan khilaaf dhexdooda ka jirin.

Dhamaan bulsho waynta Soomaaliyeed ayaa waxa ay si aad ah uga dharagsanaayeen in khilaaf baaxad wayn uu u dhexeeyo Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya.

Khilaafkana  u dhexeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ma uu bilaaban hadda ama isku shaandheynta maanta lagu sameeyay golaha Wasiirada ee waxa uu soo socday tan iyo  marki uu xilka qabtay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ilaa maantadan aanu joogno.

Isku soo wada duuboo dhabano iska dhunkashadi Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Cabdiwali ayaa sidaan sheegnay caawa waxa ay noqdeen kuwo been ahaa oo lagu marin habaabinayay Ummada Soomaaliyeed iyo indhaha Beesha Caalamka, waxaan xaqiiqo ah in Ummada Soomaaliyeed ay danta ugu jirto labadan Mas’uul inaysan waxba ka sugin islamarkaana halka midkood uu baneen lahaa xafiiskana ay danta ku jirto in labadoodaba ay noo baneeyaan Xafiisyada….

sawirka
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com