Horjooge Axmed Madoobe oo AMISOM kala shiray sidii deg deg loogu…

0

Kismaayo, AGGM: Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raskambooni Axmed Madoobe ayaa shalay Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom, kuwaasi oo qaarkood ka tagay Magaalada Muqdisho.

Xubnaha kulanka uu la qaatay Axmed Madoobe ayaa waxaa hogaaminaayay Major Aliow oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Amisom, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa sidii loogu diyaargaroobi lahaa dagaalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Intii uu kulankaan socday ayaa waxaa la falanqeeyay qaabka loo wajihi karo dhulka ay ku sugan yihiin Shabaabka Jubbooyinka gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Jubbadda Dhexe.

Horjoogeyaal Maleeshiyada Raaskambooni ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in la isla gartay qaadista duulaan ka dhan ah kooxda Shabaab, marka uu dhamaado shirka dib uheshiisiinta ee ka socda Magaalada Kismaayo si Shabaab looga saaro Degmooyinka Jubadda dhexe ee ay maamulaan.

Sidoo kale waxaa la isla gartay sidii loo diyaarin lahaa ciidamo Booliis ah oo la geeyo deeganada laga qabsado Shabaab, waxaana Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni  uu soo jeediyay in tababar la siiyo ciidamo Booliis ah oo maamulka Jubba ka tirsan si loo geeyo dhulka Shabaabka laga qabsado.

Maleeshiyada Raaskambooni  iyo kuwa Amisom ayaa isku diyaarinaayo dagaalka lagu wajahaayo Gobolka Jubbada dhexe ee Shabaab looga saaraayo.

Gobolka Jubbada dhexe waxaa gabi ahaanba ku sugan ciidamada Ururka Al Shabaab, waana Saldhiga ugu weyn ee Soomaaliya ay ku leeyihiin Shabaab xilligaan.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com