Baarlamaanka Soomaaliya oo Xisaab xirka dowlada ee Sanadkii hore maanta looqaybiyay

0

Mudo 24 sano kadib markii ugu horeysay maanta waxaa Xildhibaannada Golaha Shacabka loo qeybiyey xisaab xirka miisaaniyaddii ay horey u ansxiyeen Xildhibaannada inay dowladdu isticmaasho sanadkii tagay ee 2013ka waxaana xisaab xirka Miisaaniyaddaasi u soo gudbiyey Baarlamaanka maanta Guddiga Maalliyadda,Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Ka sokoow qeybinta Xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2013-ka Xildhibaannada Baarlamaanka maanta waxaa loo qeybiyey Hindise sharciyeedyo gaarayey Toban waxaana ay kala ahaayeen:-

Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Hindise Sharciyeedka Liisamada Ganacsiga iyo Warshadaha

Hindise Sharciyeedka Magacyada iyo Sumadaha Ganacsiga

Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharcigii Janaayo 1989kii ee lagu dhisay hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Dib u eegid Hindise Sharciyeedka Iibka Qaranka

Heshiis ku saabsan xuquuqda Carruurta oo uu aqbalay golaha guud ee QM 20-kii November 1989-kii.

Hindise Sharciyeedka ugu saameynta badan oo ka mid ah Hindise Sharciyeedyada faraha badan ee maanta loo qeybiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumadda waxaa uu ahaa Hindise Sharciyeedka la dagaalanka argigixisada oo ka kooban 36 qodob.

Qeybinta Hindise Sharciyeedyadaasi kadib waxa ay Xildhibaannada Baarlamaanku gudagaleen akhrinta Koobaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka waxaana Xildhibaannada hor yimid oo ay hindise Sharciyeedkaasi su’aallo ka weydiiyeen Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr Nuur Jimcaale Faarax waxaana ay weydiimaha Xildhibaannadu ku qotomeen sharciyada aas aaska u ah Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Waxaa lagu wadaa Baarlamaanka Soomaaliya in ay Meelmariyaan Hindise Sharciyeedyada loo gudbiyay oo uu ku jiron Sharciga la dagaalanka Arrgagixisada.