BAYDHABO:- Siyaasiyiin la xir xiray oo dib loo siidaayay

0

Baydhabo, AGGM: Maamulka Gobolka Baay, ayaa waxa uu dib xoriyadoodu u siiyay Siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed (Lixda Gobol), saacado ka dib markii ay soo xir xireen Ciidanka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Siyaasiyiintaan, ayaa waxaa lagu soo qab qabtay shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaalada Baydhabo, waxayna qayb ka ahaayeen ilaa 50 ruux oo xabsiga la dhigay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Siyaasiyiinta ay ku sii daayeen sharuud adag, oo ah inaanay dib dambe kaga qayb qaadan doonin banaanbaxyada looga soo horjeedo Madaxda Dowladda.

Gudoomiyaha waxa uu carab dhabay in Saldhiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo ay ku xireen yihiin rag hubeysnaa, oo qayb ka ahaa banaanbixii uu soo qaban qaabiyay Maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana ay sii xirnaan doonaan, sida uu yiri.

Hoosoow oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay degan tahay xaalada guud ee Magaalada Baydhabo, dibna ay u bilowdeen dhaq dhaqaaqyadii gaadiidka iyo goobaha ganacsiba.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Dowladdu ay si xun ula dhaqmeen shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, xilli ay dareenkoodu muujinayeen.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Saxaafada u sheegay in Ciidanka Dowladda ee Magaalada Baydhabo ku sugan lagala xisaabtami doono, dhibaatadii ay Talaadadii ka geysteen Baydhabo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com