Big News:-AL SHABAAB oo Laga Saaray Buuraha Gal-gala iyo Ciidanka Puntland oo..

0

Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee Gobolka Barri ayaa sheegaya in Maanta Dagaal Xoogan uu halkaas ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxda Al-shabaab.
dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen Ciidamada maamulka Puntland oo mudooyinkaan isku Aruursanayay Buuraleeyda Galgal,waxaana Labada dhinac soo kala gaaray Khasaaro Xoogan.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo Warar hor dhac ah siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay la Wareegeen Buuraha Galgala oo Al-shabaab saldhig u aheyd.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa lagu wadaa in Madaxtooyada Puntland uu shir Saxaafadeed ku qabto,kaasoo uu kaga hadlayo Dagaalka maanta ka dhacay Buuraleeyda Galgala.
Shabaabka illaa hada Wax Hadal ah kama uusan soo saarin dagaalkaasi iyadoona ay adagtahay in si dhab ah loo Ogaado qasaaraha jira.