TOP NEWS:- Kenya iyo Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay inay dhuxul ka dhoofiyaan dekada Kismaayo

0

Safiirka dowlada Ingiriiska ee Qaramada Midoobay Mark Layal ayaa sheegay in ciidamada dowlada Kenya ay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci darada dhuxusha Soomaaliya.

Isagoo saxaafada kula hadlayay magaalada New York ayuu sheegay in ciidamada dowlada Kenya iyo qeybo kale ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga dhuxusha oo laga dhoofiyo dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Eedeynta dowlada Kenya ciidamadeeda ee ku aadan ku lug lahaanshaha dhuxul laga dhoofiyo dekada Kismaayo ayaa kusoo beegantay wax yar ka dib markii golaha amaanka ee QM ay soo saareen qaraar lagu baarayo maraakiibta timaada dalka Soomaaliya.

Qaraarkaasi waxaa ka aamusay dowlaha ruushka iyo Jordan, waxaana u codeeyay 13 dal oo ay kamid ahaayeen Nigeria, Rwanda iyo Chad oo ah seddexda dowladood ee Africa kaga jirta golaha amaanka.

Qaraarka ayaa la sheegay inuu wax weyb ka qabanayo dhaqaalaha Alshabaab kasoo gali jiray Alshabaab dhoofinta dhuxusha.

Labadii sano ee lasoo dhaafay ciidamada Kenya ayaa ku sugnaa dekada magaalada Kismaayo halkaasi oo dhuxusha ugu badan ee sharci darada ah laga dhoofinayay, inkasto qaramada Midoobay 2012 kii ay mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com