C/wali”AMISOM fadlan naga ilaaliya Ciidan qaba Ebola in ay imaadaan{DHAGEYSO}

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Midowga Afrika uu kala hadlay Qatarta uu leeyhay Cudurka Ebola oo farabadan ku haya Gelbeedka Afrika.

C/wali Sheikh Axmed ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu kala hadlay in la Hubiyo Caafimaadka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya loo soo dirayo si looga hortago Faafida Cudurka Eboola oo Dalal ku yaala Galbeedka Afrika ay ugu Geeriyoodeen Dad aad u badan.

“AMISOM waa nala qaateen in la Hubiyo Caafimaadka Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya si looga hortago Caabuqa Ebola”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali Sheikh.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa  Fariin u diray Wasaaradaha Caafimaadka,Gaashaandhiga,Amniga iyo Duulista hawada,taas oo ku aadan in ay Heegan galaan oo ay Muujiyaan Dadaalo ay uga hortagayaan Cudurka Ebola.

Cudurka Eboola oo Dalalka ugu badan ee uu ka jiro uu yahay Galbeedka Afrika ayaa waxaa u geeriyooday dad gaaraya 4500{Afar Kun iyo Shan Boqol}oo Ruux.

HALKAAN  HOOSE  KA  DHAGEYSO  CODKA  CABDI WALI