Daawo: Kulan Lagu Taageerayay Shirka Midnimo Ee Ka Socda Magaalada Garbahaaray Ee Gobolka Gedo Oo Ka Dhacay Magaalada Columbus Ohio.

0

Columbus, AGGM:Qaarkamid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa maanta isugu yimid xaflad lagu taageerayo shirweynahay Midnimo ee ka soconaya magaalada Garboharey ee xarunta gobolka Gedo.

Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen rugcaadaa siyaasdeed, Ganacsato, Aqoonyahan, Culumo, iyo qeybaha bulshada waxaa dhankiisa si weyn uga dhex muuqanayay Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac (Nuur Baadiyow).

Waxaa looga hadlay ahiyada midnimada iyo isku duubnidu u leedahay bulsho walba iyo in dadka ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka Gaar ahaan gobolka Gedo xiligan ay u soo jeesteen sidii ay aayahooda uga tashan lahayeen.

Dhamaan dadkii ka hadlay shirkan ayaa waxa ay ka sinaayeen sida ay lagama maarmaan u tahay in xal waara loo helo isku duubnida iyo midnimada dadka deegaanka si ay wax ula qeybsadaan dadyowga la daga.

Xildhibaan Nuur Faarax oo ugu horeey uga warbixiyay dadkii shirka ka soo qeybgalay xaalada dalka Soomaaliya iyo halka uu marayo ayaa waxa uu si guud u muujiyay in Somalia soo kabanayso loona socdo isbadal ka hirgala gobolada dalka, waxase xildhibaanku uu xusay in socdaalo uu dhawaan ku tagay Galgaduud iyo Gedo uu la soo kulmay waxyabo horumar ah lakin aan gaarsiisnayn halkii la rabay .

Waxa uu qurba joogta ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka gaar ahan kuwa gobolka Gedo ugu baaqay in ay isu taagaan sidii isbadal loo keeni lahaa gobolka iyo in la beero ilo dadka u horseeda horumar.

Shirka Garboharey ayuu codsadya in la taageero, isaga oo ku tilmaamay shir looga tashanayo aayaha dadka goboladaas, sida Nabada, Horumarinta adeegyada bulshada, Siyaasada, iyo isku xirnaanta jaaliyada dibada iyo dadka gudaha.

Mudadii uu socday shirkan oo ay madaxda jaaliyada iyo aqoonyahanku hadalo culus ka soo jeedinayeen waxaa qadka telfonka uga qeyb qaatay qaarkamid ah masuuliyiinta ku sugan magaalada Garboharey, iyaga oo ka sheekeeyay marxaladihii uu shirku soo maray iyo in uu dhawaan furmayo wajigii labaad, isla markaana loo bahanyahay in si muuqata ay qurbajoogtu uga soo qeyb qataan wajiga labaad ee shirka Midnimo.

IMG_6955

IMG_7904

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com