DAAWO MUUQAAL:- Dowlada oo la wareegtay Garaash xalay qarax uu ka dhacay

0

Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta la wareegay garaash ku yaala degmadda Warta Nabadda kaddib markii muwaadin Soomaaliyeed gaari uu dhigtay garaashka loogu xiray waxyaabaha qarxa, taasi oo ay ka warheleen hay’adaha amniga.

Ciidamada amniga ee la wareegay garaashka ayaa waxa ay ka warhaleen xog ah in muwaadin Soomaaliyeed oo xalay halkaasi dhigtay gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ay ciidamadu oo baaritaanno ku guda jira ay heleen qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay falkaasi iyo kuwa kale oo baaritaanno dheeraad ah lagu hayo, kana mid ah howlwadeenada garaashka.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay garaashka lala wareegay ee ku yaalla wadada 15- May ayaa sheegay in ciidamada amniga ay la wareegeen garaashka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu ay sii wadayaan howlgallada ku aadan sida looga hortagayo kooxaha dhagar qabayaasha.

Afhayeenka ayaa digniin u diray milkiilayaasha garaashka inay ka taxadaraan dadka ay shaqaaleysiinayaan, isla markaana ay la wareegi doonaan garaashkii falalka nuucaani oo kale ah lagu qabto.

Garaashka ay ciidamadu la wareegeen ayaa ah kii ugu horeeyay oo muwaadin Soomaaliyeed inta gaarigiisa wax loogu xiro ay ciidamadu ogaadaan.