Daawo Sawirrada: Xaflad lagu dhiiro galinayay hananka waxbarashada Degmada Dhabad oo lagu qabtay Columbus Ohio.

0

Columbus,Ohio: Qaarkamid ah jaaliyada ka soo jeeda degmada Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay soo bandhigeen horumarka ay sii hiigsanayso degmada dhanka waxbarashada iyo sida ay xiligan uga hana qaadayaan Schoolo ay qurbo joog maal galinayaan.

Kulankan waxaa lagu xusay baahida loo qabo in waxbarashada laga saacida dadka ku nool deegaamada ka soo kabanaya colaadaha iyo dowlad la’aanta, iyada oo dadka deegaanka iyo qurba joogta deegaanku ay is kaashanayaan.

Gabdho ka soo jeeda Dhabad ayaa dhisay isla markaana howl galiyay School dugsi sare iyo Madaraso diini ah lagu barto iyaga oo ardayda deeganka si lacag la’aan ah ugu deeqay in ay wax bartaan halka dhaqaalaha ay iyagu bixinayaan.

Mudo dhoowr sano ku siman waxaa ka hana qaaday schoolka Sare ee Dhabad Arday badan kuwaas oo markii ay dhamysteen dugsga Sare sida warbixinta lagu sheegay wali u bahan Kuliyado iyo Jaamacdo ay aqoontooda ku sii dhamaystaan, iyada oo deegaanka laga hirgalinayo si loo bad baadiyo midnimada qoysaska oo inbadna oo Soomaali ah caruurtooda dibadaha iyo dalal kale marka ay waxbarasho ugu diraan ay la soo daristo dhibaato qoys oo aan xad lahayn.

Dadka deegaanka ee ku sugan qurbaha ayay gabdhahani ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan horumarka deegaanka si dadka looga soo saaro jiilaal aqoon ku shaqeeya, iyo in jahliga lala dagaalamo.

Jaaliyadii kulankan ka soo qeyb gashay ayaa balan qaaday in ay taageeradooda la garab istaagi doonaan deegaanka.

Waxaa si weyn loo amaanay dadaalkii lixaadka lahaa ee ay Schoolkaasi ku dhaqaajiyeen Gabdhahan oo waqti iyo dhaqaalo la garab istaagay Caruurta Soomaaliyeed ee deegaanadaasi oo aan in mudaa helin xaquuqdii waxbarasho iyo midii Maskaxeed ee ay qarankooda ku lahayeen, maada ay la soo kulmeen xili dalka nidaam ka jirin.

Dhabad waa magaalo ka mid ah magaalooyinka caankaa ee gobolka Galgaduud waxaana iminka ka jira ifafaalo muujinaya in dadka deegaanku isku tashadeen kadib markii Schools, Hospitals, iyo Matoorada biyaha laga hirgaliyay.

IMG_6798 IMG_6792 IMG_6784 IMG_6780 IMG_6777 IMG_6766 IMG_6765 IMG_6758 IMG_6756 IMG_6750 IMG_6727 IMG_6721 IMG_6681 IMG_6665 IMG_6662 IMG_6657 IMG_6646 IMG_6636 IMG_6633 IMG_6624 IMG_6620 IMG_6618 IMG_6612 IMG_6609 IMG_6600 IMG_6596 IMG_6593 IMG_6645 IMG_6641 IMG_6640 IMG_6636

W/D: Deeqa Sonna

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com