DAAWO VIDEO:- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M ee xaga dhalinyarada Oo Booqasho Ku Yimid Muqdisho

0

Muqdisho,AGGM: Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Mudane Ahmed Alhendawi ayaa booqasho laba maalmood ah ku bixiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu madaxda Soomaaliya ugala xaajoodo kaalinta dhalinyarada Soomalaiyeed ee hindisayaasha dhismaha nabadda iyo dowladnimada ee Soomaaliya iyo weliba siyaabaha Qaramada Midoobey ay ku caawin karto qorshayaasha Dawladda Soomalaiya ee ku aaddan dhinaca dhalinyarada.

Booqashadan labada maalmood ah ayaa ergeygu kulamo kula qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiirka Tacliinta Sare Hidaha iyo Dhaqanka iyo Wasiirka Caafimaadka. Sidoo kale waxa uu la kulmay wakiillo ka socday kooxaha dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.

HALKAAN KA DAAWO
dhdhd