(DAAWO VIDEO) Shil-gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay deegaanka KM13 .

0

3 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii duhurnimadii maanta uu shil-gaari ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka sahbeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka KM13.

Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa loola soo cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, Janaraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah Taliya hogaan Saadka ee Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu lahaa Xildhibaan lagu magacaabo Cali Ganay.

Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shilkab hase yeeshee loo aaneynaayo wadooyinka oo ah kuwo si aad ah u burbursan isla markaana wadiyaasha qaar ay gawaarida ku ka xeeyaan xowli dheereeya.