DAAWO VIDEO:- Xubanaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah yeeshay

0

Bilowga Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 168 Xildhibaan waxaa lagu dhaariyey Xildhibaanno cusub oo kala ahaa:-
Xildhibaan Maxamuud Ducaale Muuse oo bedelay Allaha u naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame
Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali oo bedelay Xildhibaan Dr Cali Khaliif Galeyr Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd oo isna bedelay Allaha u naxariistee Aabihiis General Maxamed Maxamuud Xeyd.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka waxa uu Xildhibaannada xasuusiyey muhiimadda ay leedahay in waqti adag la shaqeeyo kalfadhigan 5aad hadii aanay taasi dhicinna kulfadhiyada soo socdaayi ay adkaan doonto shaqadooda natiijaduna ay noqon karto fashil ku yimaada yoolka la hiigsanayo 2016ka hadii ay taasi dhacdana mas’uuliyadeeda ay qaadan doonaan XIldhibaannada.
Dhinaca kale Afhayeenka Baarlamaanka waxa uu ka hadlay xadidaada fasaxa XIldhibaannada Kalfadhigan 5aad iyo in sida uu yahay loo fuliyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka qeybaha kaga aadan ganaaxyada la xiriira ka maqnaashaha fadhiyada Baarlamaanka ayadoo XIldhibaankii fasax la’aan maqnaada Todobaad loo diri doono guddiga Anshaxa si uu u qaato digniin iyo ganaax lacageed oo gaaraya $600.
Markaasi kadib XIldhibaannada Golaha Shacabku waxa ay gudagaleen ajandayaasha waxaana ugu horeeyey dhageysiga warbixinta Guddiga Daraasaadka iyo soo diyaarinta sharciga Axsaabta siyaasadeed waxaana xog ururin iyo la tashiyo uu guddigaasi soo sameeyey Baarlamaanka ka hor akhriyey gudoomiyaha Guddigaasi Prof C/risaaq Cusmaan Jurrille.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Warbixinta guddigaasi kadib ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo Axsaab siyaadeed oo dalka ka sameysma sidaasi daraadeedna uu XIldhibaannada ku boorinayo inay Warbixinta guddiga Daraasaadka iyo soo diyaarinta Sharciga Axsaabta Siyaasadeed si fiican usoo eegaan deetana talooyinkooda kusoo celiyaan guddigan.
Ajandaha kale ee ay Xildhibaannada Baarlamaanku ka hadleen waxaa ka mid ahaa dhageysiga warbixinnada XIldhibaannada ee ku aadan booqashooyinka deegaanka uu XIldhibaanku metello sida ku cad qodobka 61aad ee Dastuurka Dalka farqadiisa 2aad, Xildhibaannada warbixinta keenayna waxaa ka mid ahaa XIldhibaan Maxamed Xuseen Nuur (Hagaafe)oo isagu ka warbixiyey booqasho uu ku tagay gobolka Nugaal deegaannadiisa iyo degmooyinkiisa oo uu xusay iney ka jiraan biyo la’aan,caafimaad daro,cunno yari ka dhalatay duufaantii kol hore ku dhufatay Puntland waxaana uu Xildhibaanku soo jeediyey talooyin.

Intii uu socday kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaannada Golaha Shacabka loo qeybiyey Sharciga Hanti Dhowrka guud ee Qaranka kaasi oo XIldhibaannadu dhowaan gudageli doonaan akhrintiisa