DEG DEG:- Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay dueedka magaaladaasi.

Dagaalkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay maleeshiyada Axmed Madoobe uu hogaamiyo iyo waliba maleeshiyaadka kale ee Al-SHabaab kuwaasi oo dhibaato ku haaya shacabka.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkaan uu ahaa mid xoogan iyadoo wali aanan la ogayn inta uu la egyahay khasaaraha uu geestay dagaalka, laakiin kooxda Raaskaambooni ayaa dhankeeda guulo ka sheeganaysa dagaalkaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku soo dhowaatay magaalada Kismaayo iyadoo sidoo kale maleeshiyaadkaan ay wali si caad ah u maamulaan shacab badan oo ku nool deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.