DEG DEG:- Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday arin aad u naxdin badan.

Magaalada ayaa daar dheer oo Afar biyaano ah ku taalay waxaa iska soo tuurtay gabar 18-sano jir ah, taa oo la doonaayay in waalidkeeda ay ku daraan nin aysan rabin.

Warar ay heshay Shabakada Allgalgaduud ayaa waxay sheegayaan in gabadha ay waalidkeed garaaceen una sheegeen in ninkaasi xoog loogu mehrin doono.

Gabadhii ayaa daarta kusoo carartay ka dibna la sheegay in ay is soo tuurtay, waxaana la tilmaamay in qoorta ay ka jabtay halkaasna ku dhimatay.