DHAGEYSO:- Maxamuud Sayid Adan “Qodobo Muhiim Ah Ayaa Kasoo Baxay Shirka Midnimo One ,Baarlamaanka Uu Sheegay Inuu Samaynayo Axmed Madoobe Waa Waxba Kama Jiraan”….

0

Garbahaarey, AGGM: Xili uu sheegay Horjooge Axmed Madoobe in la dhameestirayo maamulka Juba oo la soo dhisayo baarlamaanka ayaa arintaasi waxaa ka soo horjeestay dhamaanba ergooyinka ku sugan magaalada Garbahaareey.

Maxamuud Sayid Adan oo Wareysi gaar ah siiyay All-Galgaduud ayaa u sheegay in baarlamaankaasi uu yahay mid cadaalad daro ah oo uu doonayo Axmed Madoobe inuu xaalada sii xumeeyo.

Wuxuu sheegay Maxamuud Sayid Adan inay muhiim tahay in baarlamaankaas dhismihiisa dib loo dhigo oo laga wada tashado maadaama horay aanan wax wadatashi ah looga samayn maamul ku sheega hada uu hogaamiyo horjeege Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo Siyaasi Maxamuud Sayid Aden ayaa taageeray qodobada kasoo baxay shirka Midnimo One.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com