DEG DEG:- Gabagabadii Shirka Midnimo One oo maanta lagu balansanaa oo dib loo dhigay

0

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in maanta oo lagu balansanaa in la soo xiro wajigii koowaad ee shirka Midnimo One dib loo dhigay.

Waxaa la sheegayaa in mudo labo maalin ah dib loo dhigay xiritaanka shirkaan oo maanta la filayay, waxaana arintaan ku dhawaaqay gudiga wada shirka.

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa tagi doono magaalada Garbahaareey si ay u soo xiraan shirkaan.

Wixii ku soo kordhaa kala soco ALLGALGADUUD.COM.