Deg Deg:-Gar Gaar Baraawe loo waday oo wadada loo Galay

0

Gaadiidka ayaa ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho,kuwaas oo Gargaar iskugu jira Bur,Bariis,Sonkor iyo Saliid u wada Degmada Baraawe si loogu qeybiyo Dadka halkaas ay ku haysato Xaalada Bini’aadantanimo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ujeedka Gaadiidkaas ay u xaniban yihiin ay tahay Cabsi ay ka qabaan inta u dhaxeeysa Shalaanbood iyo Baraawe,kuwaas oo ka Cabsi qaba in ay dhaxda u galaan Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya oo Gargaarka wax kawada ayaa  xaqiijiyay in ay hada ku sugan yihiin Shalaanbood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rag ka tirsan Shabaab ay Jidka u galeen Kolonyadaasi sida Gargaarka islamarkaana ay Gubeen Labo Gari oo Gargaarka wax kawaday,xili ay marayeen Deegaan lagu magacaabo Jeero Gaaljecel.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose wali kama hadlin Gaadiidka Gargaarka wada ee ku Xaniman Deegaanka Shalaanbood.