DEG DEG:- Kooxda Al-SHabaab oo sheegatay inaan laga saarin buuralayda Galgala

0

Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagala wareegay gacan ku haynta Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaas oo u ahayd fariisinka u weyn ay Shabaab ku leedahay Puntland.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Abuu Muscab oo kaga hadlay dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Puntland iyo dagaalo ay ka fureen dhowr jiho oo deegaanada dalka ah ayaa sheegay in dagaalka khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Puntland.

Shiikh Abuu Muscab ayaa xusay in ay maalmahanba ka warhayeen abaabul dagaal iyo diyaar garow ay wadeen Ciidamada Puntland iyo Shirkaddo shisheeye waa sida uu hadalka ugu sheegay Shirkiisa Jaraa’id.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in Kooxdooda ku sugan Buuraleyda Galgala markii ay ka war heleen abaabulka dhanka Puntland ay si fiican uga baaraan dageen gulufka kusoo wajahan dhankooda.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Abuu Muscab ayaa intaas ku daray in weerarka ay dhankoodu qaadeen isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen ah dhimashada 20-askari oo ay ku jiraan Saddex sarkaal oo kamid ahaa kuwa Ciidanka hoggaaminayey iyo laba gaari oo la gubey.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in khasaare xoogan u geysteen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana aysanba sidaas uga hari doonin.

Si kastaba Buurlayda Galgala ayaa ahaan jirtay goobta kaliya uu Ururka Al-Shabaab kulahaa dhanka Puntland,hadalka dowladu sheegtay waxa uu noqoyaa kuwsoo beegma xili dhulka kooxdaasi ka taliso laga saarayo.