DEG DEG:- R/wasaaraha oo isku shaandhayn ku sameeyay xubnaha xukuumada

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, iyadoo la isku bedelay Wasiir, Wasiiro kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa goor dhow ka aqriyay Radio Muqdisho qoraalka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha.

Isku shaandheynta oo aheyd mid lama filaan ah ayaa waxaa la isku bedelay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka loo magacaabay Saalim Caliyow Ibrow, halka Faarax Sheekh C/qaadir oo xilkaas hayay loo dhiibay Wasaarada Xanaanada Xoolaha.