DEG DEG:-R/wasaaraha Soomaaliya oo Jawaab rasmi ah ka soo saari doona go’aankii Madaxweynaha

0

Warar aan goor dhow ka helnay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in R/wasaaraha uu la tashaday la taliyaashiisa xaga sharciga ayna dhici karto in goor dhow R/wasaaraha uu soo saaro war uu kaga jawaabayo go’aankii madaxweynaha ee ahaa inaysan sharci ahayn isku shaadhayntii uu sameeyay R/wasaaraha Soomaaliya.

Goor dhow ayaa la sugayaa warkaan oo ah mid muhiim ah markii la eego xaga miisaanka uu ku yeelan karo hadal haynta siyaasada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u diiday go’aankii r/wasaaraha dalka uu isku shaadhaynta ugu sameeyay qaar ka mid ah xubnihiisa golaha wasiirada ee Soomaaliya.

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHAA