Dhageyso, Dhacdo Naaxdin Leh:- Gabar Meydkeeda La La’aa Dhoowr Maalmood Oo Meydkeeda Laga Helay Ceel Dhexdiis.

0

Muqdisho, AGGM: Gabadhaan ayaa waxaa la sheegay in reerkooda ay weysanaayeen muddo dhan 5-cisho ah oo waxaa loogu jiray baadigoob, halka ay aaday, balse ugu dambeyn xalay maqribkii ayaa la helay meydka gabadhaan.

Maxamed Ismaaciil Cabdilaahi oo kamid ah Odayaasha Degmada Kaxda ayaa sheegay in meydka gabadhaan la helay xalay maqribkii, kadib muddo shan cisho oo la waayay halka ay aaday.

Meydka gabadhaan ayaa waxaa laga helay ceelbiyood ku yaalo Degmada Dharkiinleey, xilli laga quustay halka lala aaday, waxaana la sheegay in jirkeeda uusan ku oolin wax nabar ah oo loo geystay, marka laga reebo inay barartay.

Magaca Gabadhaan ayaa waxaa lagu sheegay Faadumo Yaxye oo 23-sano jir ah, waxaana gabadhaan Abtigeed uu sheegay in meydka gabadhaan loo maleynaayo in ninkeeda uu ku tuuray ceelka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com