Dhageyso:- Dibadbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Degmada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan…

0

Baladweyne, AGGM:Xaafado ku yaalla Magaalada Beladweyne ayaa lasoo sheegayaa in hadda ay ka socdaan Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedaa ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Dibadbaxa ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii la sheegay in ciidanka AMISOM oo loo diiday inay galaan deegaanka Deefoow ay rasaas is weydaarsadeen maleeshiyo beeleed ka mid ah kuwii ku dagaalamay Deefoow.

Iskusoo baxani ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa Xaafada la yiraahdo Kooshin ee Magaalada B/weyne iyadoo dadku ay ka careysan yihiin dhaawac ciidanka Jabuuti ay ugeysteen nin ka mid ahaa kuwii is hortaaga ku sameeyeen.

Weli Maamulka Gobolka Hiiraan kama aysan hadlin banaanbaxa ka socda B/weyne iyo xaalada sida ay ka yeelayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com