Dhageyso: Amar adag oo la dul dhigay Shacabka Afgooye..

0

Masuuliyiinta maamulka degmada afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan degmadaasi inay si wanaagsan ula shaqeeyaan hayadaha dhaqaalaha ee maamulka degmada.

Mustaf Sheikh Cabdi Waaxid Gudoomiye xigeenka dhaqaalaha degmada Afgooye ayaa u sheegay Idaacada Risaala in magaalada ay ku qabteen tababar ku saabsan qaadista canshuuraadka, laakiin dadweynaha haddii aysan la shaqeysan aysan waxba sameyn karin kaligood.

Wuxuu sidoo kale sheegay in degmada amaankeeda uu wanaagsan yahay, laakiin shacabka degmada ay ka codsanayaan inay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo qeybta arurinta canshuuraadka.

Maanta ayaa lagu wadaa degmada Afgooye in lagu soo gabogabeeyo tababar muddo seddex maalin ka socday degmada oo lagu baranayay qaabka canshuurta loo qaado, sida uu sheegay Mustaf Sheikh Cabdi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com