DHAGEYSO:-Amniga Degmada Ceelbuur oo la adkeyn karin hal arin darteed

0

Masuuliyiinta maamulka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay xaqiijinta amaanka degmadaasi iyo sida ay suurto gal ku noqon karto, maadaama Alshabaab dhowr jeer weeraro ay ku qaadeen degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada deegaanada ku dhow dhow ay ku sugan yihiin Alshabaab ayna suurogal aheyn in amaanka la xaqiijiyo.

Wuxuu sheegay inay u sahlan tahay Alshabaab inay weeraro kasoo qaadeen deegaanada ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, laakiin haataan amniga degmada uu yahay mid wanaagsan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay qorsheynayaan in marka hore Alshabaab ay kala wareegaan deegaanada ku dhow degmada si la isugu haleeyo amaanka degmada Ceelbuur.