Dhageyso: Aqoonyahan Maxamuud Axmed Nuur Caalin “Xasan Shiikh Wadadii C/llahi Yuusuf ayuu ku Socdaa”.

0

Helsinki,Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed Nuur Caalin oo ka mid ah Aqoonayahanada Soomaaliyeed ee Kusugan Dalka Finland Caasimadiisa Helisink ayaa waxa uu ka hadlay Xiisada cusub ee Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in mar kasta Madaxweynayaashii Soomaaliya Soo Maray iyo R/wasaarayaashii ay is qaban jireen isagoo dhinaca kale fariin udiray Madaxweynaha.

Maxamuud Nuur Caalin ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta gudaha dalka waxa uu sheegay in Shacbaka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Madaxweynaha uu udaneeyo uusana qaadan talada uu bixinayo Wasiir Faarax C/qaadir.

Sidoo kale Aqoonyahan Caalin ayaa sheegay inuu isaga u qabo fikirka ah in hadii uusan khaladaadka hadda jira sixin Xasan Shiikh uu raaco wadadii lagu riday Marxuum Cabdullaahi Yuusuf xilligii uu ka haa madaxweynaha Somaliya.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com