Dhageyso: Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Wiil Rayid Ah Ku Dilay Mareerey….

0

Muqdisho,AGGM:Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qof rayid ah ku toogtay deegaanka Mareerey ee gobalka Shabeelaha Hoose, ka dib markii askarigaan iyo qofka dhintay uu muran soo kala dhex galay.

Waxaa la sheegay askarigaan oo ka mid ahaa rag meel lacagaha gaadiidka looga qaado u yaalay deegaankaasi ay murmeen wiilkaan oo dhalinyaro ah lana shaqeenaayay mid ka mid ah gaadiidka halkaasi ka shaqeeya.

Askariga ayaa dilka markii uu geystay ka dib waxaa la sheegay in halkaasi uu ka baxsaday iyadoo ay baadi goob ugu jiraan ciidamada amaanka ee deegaankaasi.

Dhanka kale maamulka Mareerey ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in ay soo qaban doonaan askarigassi, islamarkaana ay xiriir la sameeyeen sarkaalkii ciidanka hogaaminaayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com