DHAGEYSO:- Baarlamamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

0

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay Cod u qaadaan Xeerka Kaluumeeysiga Dalka oo horey Baarlamaanka loo horgeeyay,waxaana sidoo kale Baarlamaanka hor yaala Sharciyo kale oo ay ka siidoodi doonaan .

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ajandaha ugu weyn ee maanta Baarlamaanka  horyaala uu ka mid yahay Cod uqaadista Xeerka Sharciga Kaluumeeysiga Dalka.

Xoghayaha Guud Gudiga Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Maxamed Cumar  ayaa sheegay in Sharciga Kaluumeeysiga Dalka uu yahay markii ugu danbeeysay oo Baarlamaanka ay u Codeenayaan,Maadaama uu soo maray Labo Aqrin sida uu yiri.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay umadlanaa in ay Xeerkaan u Codeeyaan,inkastoo uu Shalay Kulankii Baarlamaanka uu baaqaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka