DHAGEYSO:- Ciidamada Booliska oo dardaarn muhiim ah la siiyay

0

Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo warbaahinta la hadlay aya sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan inay ciidamada booliska la shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada booliska dhankooda looga baahan yahay inay kasbadaan shacabka Soomaaliyeed si ay ula shaqeeyaan,sida uu hadalka u dhigay.

Isdhexgalka ciidamada booliska iyo shacabka ayuu sheegay inay keeni karto kalsooni badan oo ay heleen dadka loo adeegayo sidaasi daraadeed loo baahan yahay ciidamada booliska inay dadaal sameeyaan.