Dhageyso: Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Ku Dagaalamay Duleedka Degmada Afgooye..

0

Muqdisho, AGGM: Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Sabiib ee duleedka degmada Afgooye.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkaan uu bilawday ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeyn fariisin ciidanka dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaankaasi.

Mayoow Yaroow oo ah gudoomiyaha deegaanka Sabiib ee dagaalka ka dhacay ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in halkaasi uu ka dhashay qasaare dhaawac u badan, balse tirada rasmiga ah ma aanu inoo sheegin.

Xaaladda guud ee halkii lagu dagaalamay waa mid aad u degan, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada saaka aanay wadin wax howlgal ah, ayna joogaan fariisinkii dagaalka ka dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com