Dhageyso: Ciidamada Jabuuti Oo Sheegay Inaysan Taageerin Beel Gaar Ah Oo Dagta Gobolka Hiiraan…

0

Baladweyne, AGGM:Iyadoo maanta rabshad ka dhacday B/weyne Duleedkeeda oo ay gacanta iskula tageen ciidanka AMISOM ee Jabuuti ka socda iyo Maleeshiyo Beeleed kusugnaa deegaanka Ceel gaal.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Jabuuti ee Kusugan B/weyne Korneel Ibraahim Cali Faarax ayaa sheegay inay been abuur tahay warar si khaldan loo faafiyey oo sheegayey inay taageereen beel ka mid ah kuwii ku dagaalamay dhawaan Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey.

Wareysi uu Galabta siiyey Korneel Ibraahim Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa cod dheer ku sheegay inay Soomaaliya u yimaadeen inay Nabada ka qeyb qaataan oo aysan u imaan inay kala taageeraan Soomaalida beelaheeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com