DHAGEYSO:- Dilal ka dhacay Goldogob iyo dad lasoo qabtay

0

Masuuliyiinta maamulka degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ka hadlayay dilal ka dhacay magaaladaasi iyo deegaano hoostago.

Gudoomiyaha degmada Galdogob Xasan Faarax Maxamed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dad dilal ka geystay degmadaasi lasoo qabtay gacantana lagu hayo.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay arintaasi gacan weyn ka geysteen, isagoo amaanay mid kamid ah beelaha dega degmada oo soo qabtay ruux dilka geystay.

Dilal ku saleysan qabaa’ilka ayaa dhowr jeer ka dhacay deegaano hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com