DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya ”hada Cudurka Ebola Kama Jiro Soomaaliya”

0

Wasaarada Caafimaadka dalka ayaa ku dhawaaqday in si weyn loogu diyaargaroobay ka hortagista cudurka halista ah ee Ebola oo Galbeedka Afrika dalal ku yaalo iminka dhibaato ku haayo.

 

 

Maxamed Cabdi Faarax Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka dalka ayaa sheegay in hada Soomaaliya uusan ka jirin cudurka Ebola, balse loo baahan yahay in la galo diyaargaroow ku aadan sidii cudurkaasi uusan dalka usoo gaari laheyn.

 

Agaasinka Wasaarada Caafimaadka, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaargaroobo sidii lamid ah dal ku yaalo Galbeedka Afrika uu isaga difaaci lahaa cudurkaan.

 

Hadalkaan ayaa Agaasimaha Wasaarada caafimaadka dalka wuxuu ka sheegay siminaar ku saabsanaa wacyigelinta cudurka Ebola.

 

 

Ilaa hada afar kun oo qof ayaa u geeriyooday cudurka Ebola dalalka Galbeedka Afrika ku yaala qaarkood, waxaana xusid mudan in ciidamo ka socda dalka Sierria Leone ay Soomaaliya ku sugan yihiin, xilli dalkaasi cudurka Ebola laga helay.