DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay dhameestirayso Al-Shabaab.

0

Muqdisho,AGGM: Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, ayaa u goodiyay Shabaabka dagaalka kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya ee waayahan dambe ay soo wajahday guuldarooyinka isdaba joog ah ee dhanka dagaalada.

Khaliif Axmed Ereg, Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed tallaabo dhameystiran oo lagu ciribtiraayo Ururka Al Shabaab ay qaadayaan, isaga oo sheegay in inta hartay Shabaab aan laga hari doonin.

Wasiir Ereg, wuxuu sheegay in Al Shabaab ay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku dhex-gumaadaan sida uu yiri Muqdisho dhexdeeda, maadaama Gobolada dalka looga adkaaday oo firxad iminka ay yihiin.

“Inta ka hartay Shabaab waa la ciribtirayaa waana dhameystiraynaa ciidamada ammaanka tallaabo ayeey ka qaadayaan Shabaab iyo cidii la shaqeysa intaba”Ayuu yiri Wasiir Ereg.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ka jeediyay shalay Dekada Magaalada Muqdisho, xilli halkaasi lagu soo bandhigaayay kunteenar ciidamada ammaanka ay qabteen oo waxyaabaha qarxa iyo hub ay saarnaayeen.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dadaalaya xaqiijinta ammaanka caasimada Magaalada Muqdisho iyo kahortagida weerarada Shabaab ay Muqdisho ka geysanayaan.

Al Shabaab ayaa laga qabsaday Gobolo badan oo ka tirsan dalka, taasi oo ku keentay hoos udhac dhanka Milataarka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com